SU AAL IYO JAWAAB DIINI AH qeybta 1aad



Su aal 1aad waxaad sheegta 2 nabi oo walaalo ah oo iskumar dhintay

Jwab 1aad waa nabi muuse iyo nabi haaruun



 su aal 2aad Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay?

Jwb 2aad Waa Zayid binu- Xaarith (RC



Su aal 3aad: Waxaad sheegtaa duulaankii (Qaswadii) ugu danbeeyey ee Rasuulku duulo?

Jwb 3aad: Waxay ahayd Qaswadii Tabuuk , sanadii 9aad ee Hijrada.



Su aal 4aad waxaa sheegtaa Saxaabigii arkay Masiixuddajaal waqtigii Nabiga (SCW)?

Jwb 4aad waxuu ahaa Tamiimuddaari



Su aal 5 Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu-hureyra?

Jwb 5aad Waxaa lagu magacaaba C/raxmaan binu Zakhar (RC).



Su aal 6aad Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee Yiri Bismilaah ee aan waxba ku noqon?

Jwb 6aad Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid(RC).



Su aal 7aad Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?

Jwb 7aad Waxaa uu ahaa Sacad binu Abi-waqaas (RC).



Su aal 8aad Naarta yaa ugu horgelaya Qiyaamaha?

Jwb 8aad Waxaa ugu horgelaaya Suldaan, Madaxweyne aan cadaalad sameyn



Su aal 9aad: Waxad sheegtaa Labadii Asxaabi ee Rasuulku ku dabo tukaday?

Jwb 9aad: Abuubakar sadiiq iyo Cabdir
-Raxmaan binu Cawf.



Su aal 10aad Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abi-dar Al-qafaariyi?

Jwb 10aad Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC).



Su aal 11aad: Waxaad sheegtaa sanadka islaamka loo yaqaan sanadkii murugada?

Jwb 11aad: Waa sanadkii ay dhimatay Khadiija binti Khuweylad, iyo Abuu Taalib.



Su aal 12 aad: Jannada yaa ugu hor gelaaya??

Jwb 12aad: Waxaa ugu hor gelaaya Nebigeena Muxammedﷺ.



Su aal 13aad Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu soo bookhan jirtay?

Jwb 13aad Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen (RC).



Su aal 14aad: Waxaad sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee Qiblada u tukada?
Jwb 14aad: Wuxuu aha Asxaabiga la yidhaa Saciid binu Mucaali.



Su aal 15aad Waxaad sheegtaa Magaca Abi-bakar Sadiiq?

Jwb 15aad waa C/laahi binu Qaxaafa

Comments

Popular posts from this blog

Geerida iyo waxa xiga

اللَّهُمَّ يَا سَمِيعَ الدَّعَوَاتِ ، يَا مُقِيلَ العَثَرَاتِ،